Waa Sidee xaalada Magaalada Garoowe ka dib dagaalkii xalay ka dhacay?

Waxaa degan saaka xaalada Magaalada Garoowe ee xarunta maamulka Puntland ka dib dagaal khasaare geystay oo xalay ka dhacay, inkastoo xiisad siyaasadeed oo kacsan ay ka jirto sida ay sheegayaan wararka halkaas naga soo gaaraya.

Dagaalka ayaa yimid ka dib markii ciidamo ka tirsan madaxtooyada Puntland ay weerareen xarunta baarlamanka si ay ula wareegaan balse waxaa iska caabin adag kala hor yimid ciidamo ilaalo ka ahaa xaruntaas.

Ugu yaraan saddex qof oo uu iskugu jira dhinacyadii dagaalamay iyo qof shacab ah oo ka mid ahaa ganacsatada magaalada ayaa ku dhintay, halka dad kale ayh ku dhaawacmeen.

Madaxtooyada Puntland ayaan illaa hadda ka hadlin iska horimaadka xalay magaalaadaas oo salka ku haya khilaaf u dhexeeya Madaxweyne Deni iyo gudoomiyaha Baarlamanka Puntland Cabdikariim Dhoobo-daarood.

Agagaarka xarunta baarlamanka Puntland ayaa weli waxaa sugan ciidamo hubeysan oo noocyo kala duwan leh, waxaa arintan soo dhex galay siyaasiyiin iyo waxgarad halkaas ka wada dhexdhexaadin.

Sidoo kale wararka ayaa sheegaya in magaalada ay ka socdaan kulamo kala duwan oo ay leeyihiin waxgaradka iyo qeybaha bulshada, kuwaasoo looga arinsanayo dhibaatada xalay ka dhacday magaaladaas.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -