Shiikh Shaakir: “Waxaan rabnaa in la dhameeyo khilaafka dowlada & Ahlu Sunna”

Madaxa Xukuumada Galmudug Shiikh Maxamed Shaakir Cali Xasan ayaa sheegay inay doonayaan in la soo afjaro khilaafka iyo xiisadda ka dhex taagan Ahlu-sunna iyo Dawladda dhexe.

Hadalkan ayuu sheegay xili uu wareysi siinayey idaacada VOA isagoo xusay in Ahlu-sunna aysan diyaar u ahayn in dagaal wiil kaga dhinto ama kaga dhaawacmo.

Shiikh Shaakir ayaa Dowladda Soomaaliya ku eedeeyey inay qaaday tallaabo aysan marnaba ka fileyn iyo daansaansi dagaal, wuxuuna tilmaamay in dhinacooda ay isxakameeyeen si looga baaqsado dagaal.

“Dhiigga dhalinyarada iyo xoogga waxaa loo baahan yahay in lagu bixiyo sidii Al-Shabaab looga xoreyn lahaa dhulalka ay ka joogaan Gobolada Dhexe” ayuu yiri Shiikh Maxamed Shaakir.

Madaxa Xukuumadda Galmudug, ahna mas’uulka ugu sarreeya Ahlu Sunna, Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan,  ayaa sheegay in aysan jirin dhul laga qabsaday, wuxuuna sheegay in ciidamadii isku dhafka ahaa ee horey loogu heshiiyay ay wali joogaan magaalada Dhuusamareeb.

Hadalkan ayaa ku soo beegmay xili ciidamada dowlada ay la wareegeen saacadihii la soo dhaafay degmooyinka Matabaan, Guriceel iyo qeybo ka mid ah magaalada Dhuusamareeb ka dib markii ay iskaga baxeen ahlu sunna oo muddo dheer ka talineysay.

Xiisadii u dhexeysay 24kii saac ee la soo dhaafay ciidamada dowlada iyo kuwa ahlu sunna ayaa hadda u muuqata sii qaboobeysa, waxaana socda baaqyo nabadeed oo ka imanaya qeybaha bulshada.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -