Wasiir Maareeye oo xilalka ka qaaday agaasimeyaashii Warbaahinta dowlada (Akhriso)

Wasiirka warfaafinta Somalia Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) ayaa soo saaray wareegto xilalka looga qaaday qaar ka mid ah agaasimeyaasha warbaahinta dowlada, isagoo ku bedelay kuwo cusub.

Masuuliyiinta xilalka laga qaaday waxaa ka mid ah Agaasimihii Radio Muqdisho C/fataax Daahir Jeyte, waxaana xilkaas loo magacabay Yaxye Cali Faarax.

Sidoo kale Agaasimihii Telefishinka Qaranka SNTV Liibaan Cabdi Cali ayaa xilka laga qaaday waxaana lagu bedelay Faarax Salaad Dharaar.

Agaasimaha Wakaaladda Wararka ee SONNA ayaa sidoo kale loo magacaabay Cali C/qaadir (Cali Maykal) Hoos ka Akhriso Wareegtada.

Wasiirka ayaa isbedelkan ku sababeeyey habacsanaan ku timid howlihii warbaahinta Qaranka iyo masuuliyiinta xilalka laga qaaday oo si toos ah u gudan waayey waajibaadkooda shaqo.

Hoos ka Akhriso Wareegtada

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -