Ciidamada dowlada oo saaka si buuxda ula wareegay degmada Guriceel (Sawirro)

Ciidamada dowladda ayaa lagu soo waramayaa saaka inay si buuxda ula wareegeen degmada Guriceel ee gobolka Galgaduud oo ay muddo dheer ka talinayeen kooxda ahlu suna Waljamaaca.

Xoogaga Ahlu Sunna ayaa la sheegay inay isaga baxeen Guriceel ka dib dagaal muddo kooban socday oo dhexmaray iyaga iyo ciidamada dowlada.

Ciidamada la wareegay Guriceel ayaa waxaa la sheegay iney ka tirsan yihiin Qeybta 21-aad ee xoogga dalka oo hadda gacanta ku haya dhamaan Xarumihii Maamulka.

Arintan ayaa timid xili degmada Guriceel uu ku sugan yahay Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya Cabdi Maxamed Sabriye, kaasoo illaa xalay kulamo kala duwan ka waday halkaas.

Xaalada Magaalada Guriceel ayaa saaka degan, waxaana dadka degaanka sheegayaan in Ciidamadii Ahlusunna ay ku sugan yihiin duleedka degmadaas, lamana oga waxa ay damacsan yihiin.

Shalay ayey aheyd markii ciidamada dowladda ay sidoo kale la wareegeen degmada Matabaan oo ka tirsan Gobolka Hiiraan halkaasoo ay ku sugnaayeen ciidamo taabacsan Ahlusunna ka dib dagaal khasaare geystay oo halkaas ka dhacay.

Isku dhacyada u dhexeeya ciidamada dowlada iyo ahlu sunna ayaa salka ku haya khilaafka siyaasadeed ee soo kala dhexgalay labada dbhinac kaasoo la xiriira arrimaha dhismaha Maamulka Galmudug.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -