Axmed Madoobe oo kormeeray degaano uu ku fatahay Webiga Jubba (Sawirro)

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta kormeer ku tagay degaano ka tirsan Gobolka Jubada Hoose oo uu ku fatahay wabiga Jubba.

Degaanadan ayaa maalin kahor waxaa ka bilowday fatahaad uu samayay wabiga Jubba waxaana Dowlad Goboleedka Jubbaland ay ka bilowday halkaas gurmad deg deg ah kaasoo ay si aad ah ay ugu diirsadeen dadka deegaanadan ku nool sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay Maamulka Jubbaland.

Waxaa kale oo qoraalka lagu sheegay in la xiray dhamaan kanaaladii uu wabigu kasoo fatahay taasoo yaraysay Khasaaraha ka dhalan lahaa waxaana fatahaada oo xili habeen ah bilaabatay ay saamayn ku yeelatay dhul beereedyo kala duwan.

Madaxweynaha ayaa kormeeray beeraha ay fatahaadu samaysay isagoo qaar kamid ah dadka beeraleeyda ah oo uu la kulmay u sheegay in Dowladu ay garab istaagayso si khasaaraha gaaray ay uga soo kabtaan.

Sidoo kale Madaxweynahu wuxuu booqday qaar kamid ah goobaha waxbarashada oo fatahaadu ay saamayn ku yeelatay gaar ahaan deegaanka Goobweyn halkaasoo Madaxweynahu uu ka balan qaaday in balaarin iyo dib u habayn lagu samaynayo iskuulka Goobweyn isagoo mid mid u kormeeray fasalada iskuulkan.

Deegaano kale oo katirsan Gobolka Gedo iyo Jubbada Dhexe ayay sidoo kale fatahaadu saamaysay iyadoo Maamulka Gobolka Gedo iyo Bulshada ay iska kaashanayaan sidii khasaaraha ka dhashay fatahaada wax looga qaban lahaa.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -