Golaha Aqalka Sare ee Baarlamanka Somalia oo ansixiyey sharci cusub (Sawirro)

Golaha Aqalka Sare BFS ayaa ku yeeshay xarunta Aqalka Sare Kalfadhiga 6aad kulankiisa 3aad ayadoo Ajandaha kulanku ayaa ahaa:
1. Akhrinta 2aad ee Hindise-Sharciyeedka Dakhliga Guud ee Qaranka.
2.Ansixinta Xubin Cusub oo kamid noqaneeysa Guddiga Madaxa Banaan ee Doorashooyinka Qaranka.

Kulanka waxaa shir Gudoomiyay Guddomiyaha Aqalka Sare ee Barlamaanka Federaalka Soomaaliya Senatara Cabdi Xaashi Cabdullahi.Sidoo kale waxaa goob jog ahaa Guddoomiye Ku-xigeenka 1aad ee Aqalka Sare Senatar Abshir Maxamed Axmad iyo Guddomiye Ku-Xigeenka 2aad Senatar Moowlid Xuseen Guhaad.

Wasiirka Maaliyada XFS Mudane Cabdiraxman Ducaale Beyle ayaa Golaha horyimid si looga weeydiiyo su’aalaha ay qabaan xubnaha Senatarada Akhrinta 2aad ee Hindise-Sharciyeedka Dakhliga Guud ee Qaranka.

Kulanka 3aad waxaa soo xaadiray 31 Senatar,Tirada guud ee Senatarada ayaa u codeeyay ansixinta Xubinta Cusub oo ka mid noqaneysay Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka .Waxaa codeeyay 31, senatar,
Wax diiday majirin,Wax ka amuusay ma jirin.

Kalfadhiga 6aad kulankiisa 4aad ayadoo Ajandaha kulanku uu ahaa:
1. Akhrinta 3aad ee Hindise-Sharciyeedka Dakhliga Guud ee Qaranka.

Kulanka 4aad waxaa soo xaadiray 32 Senatar, Tirada guud ee Senatarada ayaa u codeeyay Akhrinta 3aad ee Hindise-Sharciyeedka Dakhliga Guud ee Qaranka.
Waxaa codeeyay 31, senatar, Wax diiday majirin,Wax ka amuusay majirin.

Ugu danbeeyn Guddomiyaha Golaha Aqalka Sare Senatara Cabdi Xaashi Cabdullahi ayaa ku dhawaqay in Hindise-Sharciyeedka Dakhliga Guud ee Qaranka uu ansax yahay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -