Deni oo kulan Muhiim ah la qaatay Masuuliyiin ka socotay shirkadda CCECC (Sawirro)

Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa ayaa kulan kula qaatay Qasriga Madaxtooyada Puntland ee Garoowe masuuliyiin ka socda shirkadda CCECC oo ay hogaaminayeen maamulaha Guud ee CCECC u qaabilsan Bariga Afrika Guo Chongfeng iyo madaxa CCECC ee wadamada Soomaaliya iyo Djabouti Mr Nui Zengxiang.

Kulanka ayaa waxaa qayb ka ahaa Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada dowladda Puntland Maxamed Cabdiladiif Yuusuf, waxaana looga hadlay shaqooyinka muhiim ka ah ee ay shirkadda CCECC ka waddo Puntland, gaar ahaan bilawga dib u dayactirka wadada isku xirka Garoowe iyo Boosaaso oo kulankani lagu xaqiijiyey in la bilaabidoono bisha soo socota ee November 2019.

Af-hayeenka Madaxtooyada Puntland Jaamac Yuusuf Jaamac Dabaraani ayaa ka warbixiyey kulanka uu Madaxweynuhu la qaatay masuuliyiinta shirkadda CCECC.
“Madaxweynaha Puntland wuxuu Madaxtooyada ku qaabilay wafdi ka socda shirkadda CCECC ee dalka Shiinaha waxay ahaayeen madaxda u qaabilsan bariga Afrika, Soomaaliya iyo howl-wadeeno ka howl-gala Puntland, Madaxweynaha ayaa marka hore bogaadiyey mashaariicda Shirkadda CCECC ee Puntland waxaana waxyaabaha laga wada-hadlay ka mid ahaa dhismaha wadada Eyl iyo garoonka diyaaradaha ee Gaalkacyo oo la isla soo qaaday meelaha ay marayaan iyo qorshayaasha socda”.

“Sidoo kale waxaa laga wada-hadlay dayactirka lagu samaynaayo wadada Garoowe iyo Boosaaso oo dhawaan ay saamayn ku yeesheen roobabkii da’ay dayactirkeedana ay qaadatay shirkadda CCECC, waxaana la isku raacay in shirkaddu dayactirka ku bilowdo wadada bishan soo socota ee Novembar”. Ayuu yiri Af-hayeenka Madaxtooyada Puntland Jamac Deberaani.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -