kulan Xasaasi ah oo ay yeesheen Ahlu Sunna iyo Wasiir Sabriye oo fashil kusoo dhamaaday

Waxaa xalay magaalada Dhuusomareeb ee xarunta maamulka Galmudug kulan saacado badan qaatay ku yeeshay hogaanka kooxda Ahlu Sunna iyo Wasiirka arimaha gudaha Xukuumada Soomaaliya  Cabdi Maxamed Sabriye.

Kulanka ayaa looga hadlayay sidii xal looga gaari lahaa mad madow ka dhashay guddiga doorashada Galmudug ay dhawaan magacawday Wasaarada arimaha gudaha , waxaana guddigaasi kahor yimid kooxda Ahlu Sunna.

Sida aan wararka ku heleyno Wasiir Sabriye ayaa ku guul dareestay in Ahlu Sunna ku qanciyo arimo badan oo ay horey u diidanaayeen ay kamid ahaayeen guddiga doorashada iyo khilaafaadka Galmudug.

Kooxda Ahlu Sunna ayaa ku dooday in guddigan yihiin kuwa aan lagu kalsoonaan karin oo u badan shaqaalaha dowlada, waxa ayna codsadeen in wax laga bedelo ama la magacaabo guddi cusub oo raali laga wada yahay.

Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in kulanka uu kusoo dhamaaday is fahmi waa labada dhinac ah, waxaana loo balamay in mar kale isugu yimaadaan kulamo kale oo arimahan taagan looga hadlayo.

Doorashada Galmudug oo la filayay in ay waqti hore dhacdo kadib markii lasoo xiray shirkii dib u heshiisiinta ayaa sababo khilaafka guddiga doorashada kamid tahay dib ugu dhacday  , walina lama soo saarin habraacada doorashada iyo xiliga ay dhaceyso.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com 

- Advertisement -