Ahlu Sunna oo Magacawday Guddiga Doorashada iyo Xalinta Khilaafaadka Galmudug

Madaxa Xukuumadda Galmudug Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan ayaa qoraal uu soo saaray ku magacaabay guddiga Farsamada doorashooyinka iyo xalinta khilaafaadka Galmudug.

Guddigan uu magacaabay Sheekh Shaakir oo gaaraya 11-xubnood ayaa kahor imaanaya guddigii horey u magacawday Wasaarada arimaha guddiga iyo federaalka, waxaana guddigan u muuqdaa mid abuuraya khilaaf hor leh.

Magacaabista guddigan Ahlu Sunna magacawday ayaa imaanaya xili uu xalay natiijo la’aan kusoo dhamaaday kulan magaalada Dhuusomareeb ku yeesheen Hogaanka Ahlu Sunna iyo Wasiirka arimaha gudaha iyo federaalka.

Khilaafkan cusub ee mar kale banaanka usoo baxay ayaa laga cabsi qabaa in dib u dhigo doorashada Galmudug , waxa ayna arintan dib u dhac u keeneysaa dhismaha Galmudug loo dhan yahay .

Halkan ka AKhriso Guddiga Sheekh Shaakir Magacaabay

- Advertisement -