Masjidka kuyaala Amestardam oo Aadaanka u adeegsanaya Astaan Nabadeed

Masjid ku yaalla magaalada Amesterdam ee dalka Holland ayaa noqonaya kii ugu horreeyey ee fasax in aadaanka laga yeeriyo codbaahiyaha ku xiran minaaradaha, sida laga soo xigtay DutchNews.

‘Waxaan rabnaa inaan caadi ka dhigno dhaqanka Islaamka iyo nolosha Muslimiinta,” ayuu yiri Imam Yasir al-Forkani.

“Dadku markay maqlaan ‘Allahu Akbar’ waxay la xiriiriyaan argagaxiso iyo ficil cabsi leh, laakiin dad badan oo nasoo booqday waxay u noqotay gargaar ruuxaaniyad leh.”

“Dhawaqa aadaanka wuxuu ugu danbeyntii sahli doonaa in Islaamka loo arko diin dhaqan iyo nolol leh,” ayuu intaas kusii daray.

Islaamka ayaa ah diinta labaad ee ugu weyn Holland, waxaana Muslimiinta dalkaasi ay ku nool yihiin magaalooyinka waaweyn sida Amsterdam, Rotterdam, The Hague, iyo Utrecht.

Muslimiinta ayaa Holland soo gaaray qarnigii 17aad, waxaana Muslimiintii Turkida ay degeen magaalooyinka xeebaha ah, sidaas darteed, Masjidkii ugu horeeyey waxaa laga dhisay Amesterdam qarnigii 17aad.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com
- Advertisement -