(Sawirro) Dalkii ugu horeeyey ee Afrikaan ah oo soo saaray telefano Smartphone casri ah

Rwanda ayaa xarigga ka jartay shirkaddii ugu horreeysay ee sameysa telefoonada gacanta ee smartphone-ka loo yaqaan ee ka howlgasha Afrika.

Xaflada lagu daah furayay shirkadda ayaa waxaa ka soo qeyb galay madaxweyne Paul Kagame.

Shirkadda teknologiyadda ee Mara Group ayaa waxay soo saartay telefanno loogu magac daray Mara X iyo Mara Z, kuwaasoo istcimaali doona habka softwerka Android ee ay ku shaqeeyaan telefanada caaqilka ah ee haatan dunida laga isticmaalo.

Qiimaha telefoonadaan ayaa kala ah 175,750 Rwandan francs oo u dhiganta ($190; £155) iyo 120,250 Rwandan francs oo u dhiganta ($130;£106).

Agaasimaha guud ee shirkadda Ashish Thakkar ayaa sheegay in teleefoon kasta laga sameeyay 1,000 xabo.

Waxa u sheegay in kharashka warshadda ku baxay uu gaarayo ilaa iyo $ 24 milyan oo dollar ayna awood u leedahay in maalinkiiba ay soo saarto 1,200 oo telefoon.

Madaxweyne Paul Kagame ayaa sheegay inuu rajeynayo in telefoonadan ay sare u qaadi doonaan isticmaalka telefoonada gacanta ee Smartphone-ka ee Rwanda boqolkiiba 15.

Waxaa jira shirkada kale oo sameeya teleefoonada oo ku yaalla dalalka Masar, Itoobiya iyo Koonfur Afrika, balse qalabka ayay dibadaha ka soo dhoofiyaan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

 

- Advertisement -