Khatar Amni oo ka jirta magaalada Boosaaso iyo Awaamiir lasoo saaray (Akhriso)

Khatar dhinaca amniga ah ayaa lagu soo waramayaa in ay ka jirto magaalada Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari, waxaana lasoo saaray awaamiir la doonayo in lagu xoojiyo amaanka magaaladaasi.

Qoraal kasoo baxay Guddiga Nabad galyada gobolka Bari ayaa lagu sheegay in ay jirto khatar amni, waxa ayna guddiga soo saareen awaamiir lagu mamnuucayo in Hoteelada Boosaaso lagu qabto shirar iyo xaflado aroos iyada oon fasax laga heysan guddiga amniga.

Halkan ka Akhriso Qoraalka kasoo baxay Guddiga amniga 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -