Madaxweyne Farmaajo oo kusii jeeda Dhuusomareeb iyo Ujeedka Socdaalkiisa oo …

Madaxweynaha dowlada federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Maxamed Farmaajo ayaa la filayaa in uu gaaro magaalada Dhuusomareeb ee caasimada maamulka Galmudug si uu usoo xiro shirkii dib u heshiisiinta ee halkaasi ka socday.

Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in Madaxweynaha Soomaaliya u tagayo Dhuusomareeb si uu usoo xiro shirkii Dib u heshiisiinta beelaha dega Galmudug maalmahan uga socday magaalada Dhuusomareeb.

Qaban qaabada safarka Madaxweynaha Soomaaliya ku tagayo magaalada Dhuusomareeb ayaa si weyn looga dareemayaa xarunta Madaxtooyada Soomaaliya, waxaana saacadaha soo socda la filayaa in wafdi horu dhac u ah Farmaajo gaaraan Dhuusomareen .

Madaxweyne Farmaajo ayaana la kulmi doono Odayaasha iyo Ergooyinka ka qeyb galaya shirka dib u heshiisiinta si uu u dhageesto cabashooyinka ay qabaan ugana hadlo helitaanka Galmudug loo dhan yahay.

Shirka Dib u heshiisiinta ayaa marka uu si rasmi ah usoo xiro Madaxweynaha Soomaaliya ayaa la filayaa in la guda galo qeybaha kale ee dhismaha maamulka Galmudug sida Baarlamaanka iyo Doorashooyinka Gudoonka Baarlamaanka iyo Madxaweynaha.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -