Boqortooyada Sacuudiga oo wax badan ka badeshay Aragtidii ay ka qabeen Israa’il

Boqortooyada Sacuudiga ayaa isbadal ku sameysay aragtidii ay horey uga qabtay Maamulka Israa’iil, waxaana hada si tartiib tartiib ah usoo laabanaya xiriirka hoose ee ka dhaxeeya Sacuusiga iyo Israa’il.

Dhaxal sugaha boqortooyada Sacuudi Carabiya Maxamed Bin Salmaan oo Wareysi siiyay Wargeys laga leeyahay dalka Mareykanka ayaa shaaca ka qaaday in Israa’iil xaq u leedahay in ay dal yeelato.

Amiir Maxamed Bin Salmaan ayaa cadeeyay  in Falastiiniyiinta iyo Israa’iilba ay si siman ugu qalmaan in ay yeeshaan dhul ay leeyihiin, waxa uuna ka aamusay in Israa’il ay xoog ku heesato Dhulka Falastiin.

Xiriirka u dhaxeeya Boqortooyada Sacuudiga iyo Israa’ill ayaa si hoose usoo laabanayay, hasa ahaatee Sacuudiga ayaana wali Israa”il si rasmi ah ugu aqoonsaneyn dal Madax banaan .

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -