Khilaafkii Khayre iyo Ahlusunna oo la xalin waayey & Ra’iisul Wasaaraha oo u guuraya Cadaado

Xog ay heshay Allbanaadir online ayaa sheegeysa in Raisul wasaaraha Somalia uu u guurayo magaalada Cadaado ka dib markii la xallin waayey  khilaafkii xoogganaa ee soo kala dhexe galay isaga iyo Ahlusunna.

Ilo wareedyo ku sugan Dhuusamareeb ayaa sheegaya in is faham la’aan uu ku soo dhamaaday kulamo illaa xalay u socday Ra’iisul Wasaaraha iyo Hoggaanka Ahlusuna.

Khilaafka ugu wayn ayaa ka yimid cidda gacanta ku heyneysa ammaanka magaalada Dhuusamareeb oo la doonayo in lagu qabto shirka dib-u-heshiisiineed ee loogu diyaar garoobayo dhismaha maamulka.

Ahlusunna ayaa diiday in ciidan aan iyaga hoos tegin la geeyo Dhuusamareeb, waxayna celisay diyaarado ciidamo ka qaadi lahaa Muqdisho, halkha Khayre ku adkeystay in ammaanka ay la wareegeyso dowladda Soomaaliya si dadka dhan ay magaaladu ugu dhexeyso.

Waxaa guul darreystay dadaallo uu hormuud ka ahaa wasiirka arrimaha gudaha oo la doonayay in arrinta lagu xalliyo.

Khilaafkaas ayaa sababay in Khayre uu isu diyaariyo inuu u guuro magaalada Cadaado oo sidoo kale loo wareejinayo gogosha nabadeed iyo doorashada Maamulka Galmugud.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -