Xildhibaanadii uu u gefay Madaxweyne Trump oo Warbaahinta la hadlay (Daawo Sawirada)

Madaxweynaha Dalka Mareykanka Donald Trump ayaa  mar kale u gefay afar mudane oo dumar ah kana tirsan Koongareeska Mareykanka, waxaana dumarkan uu weeray Trump asalkooda kasoo jeedaan wadamo kale.

Trump ayaa sheegay in mudanayaasha ay dad badan u careesan yihiin , waxa uuna xusay in ay u gafeen dumarkaasi Xildhibaanada , Madaxtooyadiisa, Israil iyo wadanka Mareykanka ay matalaan.

Xildhibaanada Dumarka ah  uu u gefay Madaxweyne Trump ayaa dhankooda Warbaahinta la hadlay, waxa ayna si kulul uga hadleen hadalada cunsuriyada ku dheehan tahay ee kasoo yeeray Madaxweynaha Mareykanka.

Dumarka Xildhibaanada ee kala ah Alexandria Ocasio-Cortez, Ilhan Cumar, Ayanna Pressley iyo Rashida Tlaib ayaa hadalka Madaxweynaha ku tilmaamay mid aan kasoo qaad laheyn, waxa ayna ka codsadeen dadka Mareykanka in aysan ku deg degin Dabinka Trump.

Waxa ay sheegeen Xildhibaanadan in hadalada kasoo yeeraya Madaxweyne Trump yihiin kuwa uu dadka uga jeedinayo qalalaasaha uu maamulkiisa wado iyo musuq maasuq ay sheegeen in in uu jiro.

Xildhibaanadan ayaa sheegay in marnaba aanan afkooda la qaban karin, islamarkaasna aanan la takoori karin, waxayna sheegeen in ay Afar ka badanyihiin, ayna ka midyihiin qof kasta oo aaminsan waxa ay rumeysanyihiin.

Gabdhana Xildhibaanada ah ayaa mar kale ku celiyay baaq ku aadan in codka kalsoonida loo qaado Madaweyne Trump, waxa ayna cadeeyeen in aysan marnaba ka daali doonin in ay la xisaabtamaan Trump.

Xildhibaanadan uu weeraray Madaxweyne Donald Trump  Alexandria Ocasio-Cortez, Rashida Tlaib iyo Ayanna Pressley ayaa ku dhashay dalka Mareykanka, Halka Ilhan Omar ay dalkaasi tagtay iyadoo aad u yar.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -