Saciid Deni oo xilal cusub u Magacaabay Masuuliyiin iyo Saraakiil ciidan (Akhriso)

Madaxweynaha Puntland Saciid C/llaahi Deni ayaa maanta ka soo saaray xafiiskiisa magaalada Garoowe dhowr Wareegto oo xilal loogu magacaabay saraakiil ciidan iyo masuuliyiin kale.

Deni ayaa Xeer Madaxweyne Lr 31 ee soo baxay Juun, 29, 2019 ku magacaabay Taliyaha Qaybta Ciidanka Booliska gobolka Karkaar G/Dhexe Cabdulqadir Jaamac.

Sidoo kale Madaxweynaha Puntland ayaa wareegto oo ka soo baxday xafiiskiisa Waxaa Abwaan Cabdulqaadir Cabdi Shube loogu magacaabay Guddoomiyaha Kooxda hobolada ee Waaberi Puntland.

Madaxweynaha Puntland ayaa sidoo Siciid Maxamed Faahiye u magacaabay Guddoomiyaha cusub ee gobolka Karkaar halka Cabdicasiis Yuusuf Maxamuud Caamir loo magacaabay Guddoomiye Ku-xigeenka Gobolka Karkaar.

Waxaa sidoo kale S/Gaas Yaasiin Cumar Dheere loo magacaabay Taliyaha Ciidanka Daraawiishta Puntland, iyadoo S/Guuto Axmed Cali Salaad loo magacaabay Taliye Xigeenka 2-aad ee Ciidanka Daraawiishta Dowladda Puntland.

Cabdicasiis Cilmi Yuusuf ayuu sidoo kale madaxweynaha Puntland u magacaabay La-taliyaha Arrimaha Isgaarsiinta iyo Warbaahinta Madaxtooyada Puntland.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -