(Daawo Sawirro) Xaaf oo sanad iyo bilo ka dib caawa ku hoyanaya Madaxtooyada Cadaado

Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geele Xaaf ayaa caawa gaaray magaalada Cadaado isagoo kasoo dhaqaaqay degmada Godinlabe oo uu ilaa shalay ku sugnaa.

Xildhibaano ka tirsan labada gole faderaalka oo maanta gaaray Cadaado iyo siyaasiyiin degaanka ah ayaa caawa kulamo saacado qaatay Madaxweyne Xaaf kula yeeshay degmada Godinlabe ka hor inta aysan u soo gelbinin Cadaado.

Sanad iyo bilo kadib ayay noqoneysaa in markii ugu horeysay Xaaf uu caawa uu ku hoyanayo madaxtooyada Galmudug ee magaalada Cadaado.

Madaxweyne Xaaf oo shalay ka soo tegay Dhuusamareeb oo muddo sanad ka badan saldhig u aheyd ayaa xalay ku dhawaaqay inuu burburay heshiiskii uu Jabuuti kula galay ahlu Suna, uuna aqbalay in doorasho la qabto bisha soo socota bilowgeeda.

Siyaasada ismari-waaga aheyd ee ka taagneyd Galmudug ayaa si lama filaan ah isu bedeshay 24-kii saac ee la soo dhaafay, iyadoo Madaxweyne Xaaf iyo raisul wasaare Khayre ay caawa ku kala hoyanayaan Cadaado iyo Dhuusamareeb taasoo maalmo ka hor ay adkeyd in la saadaaliyo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -