Somaliland oo ka carootay shuruud Sacuudigu ku xiray Xoolaha uu ka dhoofsado

Maamulka Somaliland ayaa caro xoogan ka muujiyey kuna gacan sayray shuruud cusub oo xoolaha la dhoofinayo ay ku soo kordhisay dawlada Sacuudigu, taasoo in waraaqda caafimaadka xoolaha laga qaadanayo dawlada federaalka Soomaaliya ee fadhigeedu yahay magaalada Muqdisho.

Wasiirka Xanaanada xoolaha iyo horumarinta Kalluumaysiga Xasan Max’ed Gaafaadhi oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Hargeysa ayaa sheegay in shuruudaas aan la qabli karin, haddii sidii hore ku dhoofi waayaan xoolaha Somalilandna inay gabi ahaanba joojin doonaan inay xoollo u dhoofiyaan Sucuudiga.

“Sucuudigu Wuxuu keenay waraaq muujinaysa inay xoolihii xajku fasax yihiin, warqadaasi waxay wadataa shuruud cusub intooda badan tahay shuruudo caafimaad, shuruudahaasi waa qaar jiri jirey iyo qaar lagu soo kordhiyey.”ayuu yidhi wasiir Gaafaadhi.

Wasiirku waxa uu sheegay in haddii qasab lagaga dhigo iney waraaq caafimaad ka keenaan dowlada Soomaaliya ay gabi ahaanba joojin doonaan xoolihii ay u dhoofin jireen Sacuudiga, maadaama oo Somaliland tahay dal madax banaan oo aan hoos tagin Soomaaliya.

“Waa in Sacuudigu ogaadaa in Somalilnad iyo Soomaaliya ay yihiin laba dal oo kala madax banaan oo aanay waxba iskaga jirin, waa marka labaad ee hore uma dhicin in waraaq Xamar laga keenay ay xoolaheenu ku dhoofaan, haddana mid dhacaysa maaha, xoolahenu ama sideenii hore bay u dhoofi ama waynu haysanaynaa, waxaana arrinkaasi isla qaadanay ganacsatada xoolaha”ayuu raaciyey hadalkiisa wasiirka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -