Fanaanad u dhalatay dalka Mareykanka oo qaadatay Diinta Islaamka (Sawirro)

Fanaanadda American-ka ah ee Della Miles oo kasoo dhinac shaqeysay fannaaniinta Michael Jackson iyo Whitney Houston ayaa qaadatay diinta Islaamka, iyada oo sheegtay in joogitaankeeda Turkiga uu qeyb ku lahaa barashada diinta Islaamka, sida laga soo xigtay Anadolu Agency.

“Wax walba hadda way ii cusub yihiin,” ayay tiri Miles oo dhawaan noqotay Muslimad.

“Waxaan naftayda u arkaa dhallaan hadda kusoo if baxay nolosha Islaamka, waayo wali waxaa ii dhiman in badan inaan ka barto.”

Miles oo kasoo dhinac muuqatay fannaaniinta caanka ah ee Jackson iyo Houston ayaa sheegtay inay dooratay diinta Islaamka xilligii ay ku sugneyd gudaha dalka Turkiga – waayo waxaa nolosheeda oo dhan hareeyey hab-dhaqanka Muslimiinta.

“Istanbul waa halka ugu fiican oo laga baran karo wax walba oo Turkiga ku saabsan,” ayay tiri. “In kasta oo Muslimiin badan ku nool yihiin halkii aan ka imid ee Maraykanka, haddana halkan wax walba ayaan ku dareemay.”

Iyada oo ka hadlaysa nolosheeda cusub ee Muslimnimada, Miles waxay tiri; “Ficillada ayaa ka qeylo badan oraahyada.”

“Waxaan arkay Muslimiin si deeqsnimo leh wax walba oo ay heystaan ku gacan siinaya qofkooda baahan si aanu kelinimo ugu noolaanin.”

Qoys ahaan, Miles ayaa kasoo jeeda reer faneed kuwaas oo muusiga iyo qoob-ka-ciyaarka caan ku ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -