Maxay ka wada hadleen Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka iyo Jen. Guray Al? (Sawirro)

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya S/gaas Daahir Aadan Cilmi oo ay wehliyaan  Taliye ku-xiggeenka Ciidanka XDS iyo Taliye ku-xiggeenka Ciidanka Dhulka ayaa maanta la kulmay u qaabilsanaha arrimaha Ciidanka ee Dawladda Turkiga u jooga Soomaaliya G/sare Guray Al.

S/gaas Daahir Aadan Cilmi ayaa kornel Guray kala hadlay dardar galinta tababarada ciidamada xoogga dalka, maadaama  dawladda Turkiga ay kaalin weyn ka qaadaneyso dib u dhiska Ciidamada qalabka sida.

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya ayaa sheegay in dhawaan ay Dalka dib ugu soo laaban doonaan Saraakiil, iyo Askar tababar kusoo qaatay Dalkaasi Turkiga.

Dawladda Turkiga oo kamid ah Dawladaha Soomaaliya ka caawiya tababarka Ciidamada qalabka sida ayaa dadaal xoogga ku bixineyso siddii kor looga qaadi lahaa Tababarada iyo  Dhismaha Ciidanka Xoogga Soomaaliya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

 

- Advertisement -