Howlgalka Amni ee looga dhawaaqay Muqdisho oo hadal heyn badan dhaliyay

Magaalada Muqdisho ayaa saakay si weyn looga hadal hayaa howlgalka Amni ee xalay uu ku dhawaaqay Gudoomiyaha Gobolka Banaadir , waxaaana la isweediinayaa nuuca uu noqon doono howlgalkan cusub.

Shacabka magaalada Muqdisho oo dhib ku qabay xirnaashiyaha Wadooyinka magaalada Muqdisho ayaa mar kale kasii niyad jabay in lasii xirayo wadooyin hor leh oo kuyaala magaalada Muqdisho.

Gudoomiyaha gobolka Banaadir ayaa shacabka ugu baaqay in ay dulqaad muujiyaan inta uu magaalada ka socdo howlgalka cusub ee lagu xaqiijinayo amaanka, waxa uuna cadeeyay in la xiri doono wadooyin hor leh.

Shacabka ayaa arintan si weyn u hadal haya iyaga oo isweediinaya nuuca uu noqon doono howlgalkan amni, waxa ayna dadka qaar aaminsan yihiin in kaliya dowlada dadaal ku bixin doonto in amaankeeda xaqiijiso laamiga Maka Al Mukarama.

Dadka qaar ayaa sidoo kale aaminsan in howlgalkan ka duwanaan doono kuwii hore ayna magaalada ka bilaaban doonto howlgalo baaritaano guri guri ah oo mar hore ugu dambeesay in Muqdisho laga sameeyo.

Si kastaba shacabka magaalada Muqdisho ayaa ah dhibanayaasha ugu horeeyo uu dhibku kasoo gaaro amaan darada Muqdisho, waxaana inta badan qaraxyada dhaca dadka ugu badan ee ku dhinta yihiin shacabka.

Shacabka magaalada Muqdisho qaarkood ayaa soo dhaweeyay howlgalkan cusub ee amaanka lagu xoojinayo, waxa ayna sheegeen in ay iskala qabsan doonaan lugeyska iyo xirnaashiyaha wadooyinka hadiiba amaan lagu helayo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com  

- Advertisement -