Faahfaahino ka soo baxaya askar ka tirsan AMISOM oo lagu dilay duleedka Muqdisho

Waxaa soo baxaya faahfaahino ku saabsan qarax miino oo saacadihii ugu dambeeyey ciidamada AMISOM lagula beegsaday wadada isku xirta Muqdisho iyo Afgooye.

Qaraxan oo ahaa mid lagu aasay wadada dhinaceeda ayaa lala beegsaday  gaadiid kolonyo ahaa oo ay wateen Ciidamada xili ay marayeen degaanka Weydow.

Goob-joogayaal ayaa sheegay in qaraxan uu haleelay mid ka mid ah gaadiidka AMISOM kaasoo burbur iyo khasaare xoog leh uu soo gaaray.

Ugu yaraan labo askari oo ka tirsan ciidanka AMISOM ayaa la sheegay iney ku naf waayeen qaraxaas, halka qaar kale ay ku dhaawacmeen, sida dad goobtaas ku sugan ay warbaahinta u xaqiijiyeen.

Ma jiro hadal ka soo baxay ciidamada AMISOM oo ku saabsan weerarkan oo ay masuuliyadiisa sheegatay kooxda Al-shabaab.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -