Meydka Wiil Soomaali ah oo laga helay Magaalo ku taalla Maraykanka (Daawo Sawirro)

Booliska Magaaladda Olmsted ee ka tirsan Gobolka Minnesota ee dalka Maraykanka ayaa sheegay inay heleen maydka Nin Soomaali ah oo ay jirkiisa ku yaaleen dhaawacyo rasaaseed.

Booliska ayaa magaca Marxuumka ku sheegay Garaad Hassan Rooble oo 28 jir ahaa.

Saraakiisha Degaanka waxay sheegeen inay ka war sugayaan  inay xaqiijin ka helaan Waaxda Dembi-baarista Gobolka Minnesota si ay u caddeeyaan qaabka loo dilay Marxuumkaasi iyo cida ka masuulka ah.

Booliska waxay sheegeen in maydka Marxuumka laga helay  gaari dhexdiisa, mana jirin  dad kale ama gaadiid kale oo ku sugnaa goobta.

Kevin Torgerson oo ka tirsan Mas’uuliyiinta Olmested ayaa wax laga weydiiyey inuu dilkaasi ahaa is-dilid iyo in kale ayuu ka gaabsaday arrintaasi isagoo xusay iney ka war sugayaan baaritaanka Booliska welina si rasmi ah looma oga cida iyo sababta ka dambeysay dilkan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -