Allbanaadir.com
NEWS

Sheekh Aadan Madoobe iyo wafdi uu ku jiro Saadaq Joon oo Carta lagu soo dhaweeyay (Sawirro)

Gudoomiyaha Golaha Shacabka BJFS Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo uu waheliyo Gudoomiyaha Baarlamaanka dalka aan walaalaha nahay ee Jamhuuriyadda Jabuuti Mudane Dileita Mohamed Dileita ayaa maanta booqasho ku tagay magaalada Carta ee dalka Jabuuti halkaas oo uu ka socdo dhismaha matxafka weyn.

Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe iyo wafdigiisa waxaa magaalada Carta waxaa si diiran ugu soo dhaweeyay shacabka iyo masuuliyiinta magaalada Carta.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa sheegay in Magaalada Carta ee dalka Jabuuti ay qiimo weyn ugu fadhido shacabka Soomaaliyeed, isagoo xusey in halgankii dib u dhiska Jamhuuriyadda saddexaad ee Soomaaliya ay martigalisay.

Sheekh Aadan Madoobe ayaa tilmaamay inuu soo booqdo ay farxad gooni ah u leedahay, waxaana shacabka magaalada Carta ugu mahadceliyay sida sharafta badan ee ay usoo dhaweeyeen.

Related posts

Soomaaliya oo Kaalin aan lagu farxin uga jirta Wadamada ugu Musuq maasuqa badan Dunida

Cabdi Cade

Sargaal Ciidan oo lagu dhaawacay qarax lala eegtay Caawa iyo Faah faahino kasoo baxaya

Cabdi Cade

Nin gubi rabay xaaskiisa iyo Carruurtiisa oo saakay la qabtay iyo Faah Faahin laga bixiyay

Cabdi Cade