Maxay ka wada hadleen Wasiir Beyle & danjire Donald Yamamoto? (Daawo Sawirro)

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane C/raxmaan Ducaale Beyle ayaa maanta la kulmay safiirka Mareynkanka ee Soomaaliya Danjire Donald Yamamato.

Wasiir Beyle ayaa sheegay in Danjire Donald Yamamato. ay ka wada hadleen arimo ku saabsan sidii loo hormarin lahaa dhaqaalaha Dalkeena, wuxuuna  intaasi raaciyay in Mareynkana uu muhiim u yahay dib-u-habeynta Maaliyadda sidoo kalena uu yahay saaxiibka Soomaaliya

“Waxaan la kulmay Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya Danjire Donald Yamamato.oo aan ka wada hadalney arimo ku saabsan sidii loo horumarin lahaa dhaqaalaha Dalkeenna. USA waxa uu muhiim u yahay dib-u-habeynta Maaliyadda sidoo kale waa saaxiibka Soomaaliya,” ayuu yiri Wasiir Beyle.

Sidoo kale, Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta kulan la qaatay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya danjire Qin Jian.

“Waxaan ku faraxsanahay in aan kulan wax ku ool ah oo ku saabsan dib-u-habeynta Maaliyadeedka iyo horumarinta dhaqaalaha Soomaaliya aan la yeeshay Safiirka Shiinaha u fadhiya Muqdisho danjire Qin Jian.”ayuu yiri Wasiir Bayle

Abdirahmaan Ducaale Beyle Wasiirka Maaliyadda ayaa sheegay in Dalka Shiinaha uu yahay taageero muhiim ah iyo saaxiib xiriir taariikhi ah la leh Soomaaliya.

Dowladda Shiinaha ayaa kamid ah Dowladaha xiriirka fog la leh Soomaaliya, iyadoo Dalka ka fulisay Mashaariic waaweyn kuwaas oo ilaa iyo hadda shacabka Soomaaliyeed waxtar weyn u leh.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -