Nin labo bil kahor xili la aasi rabay la arkay isaga oo nool oo Ugu Dambeyn geeriyooday

Nin u dhashay dalka Itoobiya oo bilooyin kahor xili la aasi rabay naxashkii lagu waday kasoo dhax qeyliyay ayaa markan geeriyooday lana aasay sida ay ku warameen Warbaahinta Itoobiya.

Hirpha Negero ayaa labo bil kahor soo gar garaacay naxashkii lagu waday. waxaana xiligaasi loo waday qabrigii lagu aasi lahaa, arintaas ayaana dad badan fajiciso iyo laaab ku noqotay.

Warbaahinta Itoobiya ayaa ku warantay in ugu dambeyn isbuucan Hirpha Negero  uu geeriyooday shalayna lagu aasay deegaanka Sibu Sire ee dalka Itoobiya, waxa uuna ninkan u geeriyooday xanuun in mudo ah hayay.

Ninkan kasoo jeeda Qowmiyada aromada ayaa labo sano kahor la shaaciyay in uu geeriyooday, waxaana ehelkiisa iyo dadka deegaanka xili ay qabriga usii wadeen si lama filaan ah usoo garaacay naxashkii lagu waday.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -