Allbanaadir.com
NEWS

Maxaa DF uga qorsheysan degaanada weli ku jira gacanta Al-Shabaab?

Dowladda Soomaaliya ayaa faahfaahin ka bixisay guulaha laga gaaray howlgalladaas iyo qorshaha sii socoshada howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab.

La taliyaha Amniga Qaranka Xuseen Macalin ayaa sheegay in dagaallada ka dhanka ah Al-Shabaab guulo waaweyn laga gaaray, isla markaana laga xorreeyay meelo badan ay gacanta ku hayeen hase ahaatee aysan weli fari ka qodneyn.

Wuxuu sheegay in howlgallada sidoo kale khasaaro xoogan lagu gaarsiiyay Al-Shabaab, isaga oo balan qaaday inay sii socon doonaan howlgallada ayna qofrsheysan yihiin ilaa guud ahaan dalka laga saaro Al-Shabaab.

Hadalka La taliyaha Amniga Qaranka ee Madaxweynaha Soomaaliya Xuseen Macalin ayaa kusoo aadaya xilli weli meelo badan oo dalka ah ay maamulaan Al-Shabaab isla markaana mararka qaar ay weeraraan Saldhigyada Ciidamada dowladda Soomaaliya

Related posts

Goob laga qodi jiray Macdanta oo si lama filaan ah isugu bedeshay Goob Dalxiis (Sawirro)

Cabdi Cade

Howlgal lagu soo qab-qabtay Ciyaal weero & hub kala duwan oo Muqdisho ka dhacay+Sawirro

Caydiid Ali

Farmaajo oo bilaabay Qorshayaal Cusub oo xilka looga qaadayo Taliyaal iyo Sababta ka dambeysa

Cabdi Cade