Gabar sabab yaab leh looga eryey Jaamacad ay wax ka baraneysay

Gabar ardayad ah ayaa laga eryey Jaamacadda ugu faca wayn dalka Masar ee Al Azhar ka dib markii laga daawaday muuqaal iyadoo xabadka ku salaamaysa wiil kale ardayda jaamacada ka mid ah.

Video lagu baahiyay baraha bulshada ayaa muujiyay labadaan arday oo ku sugnaa goob maqaayad ah, waxaana ka muuqday Wiilka ardayga ah oo jilba jabsaday kadibna gabadha u dhiibay ubaxyo uu guur kaga codsanayay.

Gabadhan yar ee ardayadda ah ayaa la sheegay inay argagaxday, kadibna wiilka ayaa istaagay oo xabadka geliyey, iyadana wax fal celin ah ama diidmo ah kama aysan muujinin.

Maamulka jaamacada al-Azhar ayaa sheegay in gabadha ardayadda ah laga eryay jaamacada maadama ay jabisay anshaxa iyo qiyamka jaamacadda.

Lama sheegin nooca ciqaabeed ee lagu sameeyay wiilka oo isna arday ka ahaa isla jaamacadda laga eryey gabadhan.

Jaamacadda Al-azhar ayaa ah tan ugu faca weyn caalamka ee muslimiinta Suniga ah ay culuumta islaamka ka bartaan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -