Yaa maal galiya Dacaayadaha lagu magac dilayo Siyaasiyiinta Mucaaradka ?!! (Xog)

Sida lawada ogyahay dowlad walbo oo dunida ka dhisan waxa ay leedahay Mucaarad sheega soona bandhiga dhaliilaha iyo qaladaadka dowlada gasho, waxaa sidoo kale jira kooxo muxaafid ah oon iyana aysan u muuqan qaladaadka iyo dhaliisha dowlada leedahay.

Dowlada federaalka Soomaaliya uu hogaamiyo Madaxweyne Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa leh siyaasiyiin mucaarad ah oo isugu jira kuwa katirsan labada Aqal ee dowlada iyo siyaasiyiin caadi ah.

Inta badan siyaasiyiinta mucaaradka ku ah dowlada Madaxweyne Farmaajo ayaa soo bandhiga dhaliisha dowlada iyo qaladaadka ka dhaca, waxa ayna Mucaaradka mar walbo ka faa’iideestaan dul duleelada dowladu leedahay.

Dowlada Farmaajo hogaamiyo ayaa la sheegaa in aysan ka faa’iideesan saxitaanka iyo dhaliisha Mucaaradka usoo jeediyaan, waxa ayna taa badalkeeda dowlada mucaaradka ka dhigtaa kuwa kasoo horjeeda dowladnimada iyo jiritaankeeda.

Waxaa sidoo kale dowlada lagu eedeeyaa in durbo qaado talaabo deg deg ah oo lagu ceebeenayo laguna magac dilayo siyaasiyiinta Mucaaradka ee ka hadla qaladaadka dowlada ama dhaliil usoo jeediya Madaxda dowlada.

Madaxtooyada Soomaaliya gaar ahaan Xafiiska Madaxweynaha ayaa la sheegay in ay sameeyeen xafiis gaar ah oo loogu tala galay faafinta wararka dowlada iyo sidoo kale dacaayada lagu magac dilayo siyaasiyiinta Mucaaradka .

Koox katirsan gacan yarayaasha Madaxweynaha Soomaaliya ay ku jiraan Xildhibaano aad ugu dhaw dhaw iyo xubno kale oo ka qeyb qaatay ololihii doorashada Madaxweynaha ayaa sa sameestay koox gaar ah oo qaabilsan sameynta dacaayadaha iyo sumcad dilka lagu sameeyo siyaasiyiinta ama qof kasta oo dowlada wax ka sheega.

Madaxtooyada ayaa dhaqaalo gaar ah ku bixisa sameynta bogag tiro badan oo lagu bixiyo lacag si dad badan loo gaarsiiyo dacaayadaha iyo sumcad dilka siyaasiyiinta Mucaaradka iyo ganacsatada loo arko in dowlada aysan taageersaneyn.

Kooxdan ayaa lacag badan u kala dirta kooxo Facebooka caan ka ah balse aan lagu baran akhlaakh iyo wanaag, waxa uuna kooxahaasi u dhiibaa dacaayadaha la doonayo in lagu magac dilo Siyaasiyiinta mucaaradka maadaama aysan kooxahaasi waxba ka xishooneyn.

Kooxaha Facebooka taageerayaasha ku leh ayaa mararka qaar lagu amraa in ay Live soo galaan ayna caayaan siyaasiyiinta iyo dadka kale ee dowlada dhaliilsan, waxaa sidoo kale mararka qaar loo qeybiyaa muuqaalo iyo qoraalo loogu tala galay in ay sii faafiyaan.

Xildhibaanada iyo siyaasiyiinta kale ee mucaaradka ayaa aad ula yaaban hab dhaqanka cusub ee lasoo baxday dowlada federaalka ee lagu maal galinayo in dad sumcadooda wax loogu dhimo .

Baraha bulshada ayaa si weyn looga dareemaa cayda iyo dacaayadaha kale ee ka dhanka ah siyaasiyiinta mucaaradka marka ay Warbaahinta ka hadlaan ama shir qabtaan, waxaana si gaar ah loo beegsadaa kuwa la isleeyahay magac ayey leeyihiin.

Dhaqankan foosha xun ee lagu maalgalinayo in la sumcad iyo magac dilo qof kasta oo runta ka hadla ayaa laga cabsi qabaa in uu sii faafo ayna bari ka shalaayaan kuwa hada maal galinaya maadaama kooxaha lacagta ku shaqeeya aysan aqoon magac iyo saaxiib.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Nairobi-Kenya

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -