Weerar toos ah oo saakay lagu qaaday Jaamacada Marshal Fahim (Daawo Sawirro)

Dagaalyahano hubeesan ayaa saakay weerar isugu jira ismiidaamin iyo mid toos ah ku qaaday Jaamacada Gaashaandhiga Qaran ee Marshal Fahim, halkaas oo lagu tababarayay ciidamo katirsan Milatariga Afganistan.

Weerarka ayaa ku bilowday qarax ismiidaamin ah waxaa kadib gudaha Jaamacada Milatariga lagu tababarayo gudaha u galay dagaalyahano hubeesan kuwaa oo wali ka dagaalamaya qeybo kamid ah dhismaha Jaamacada.

Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay weerarkan lagu qaaday xaruntan lagu tababaro Milatariga, ciidamada amaanka ayaana dagaal kula jira dableyda hubeesan ee weerarka geestay.

Magaalada Kabul ee caasimada dalka Afgaanistan waxaa kusoo badanaya qaraxyada iyo weerarada tooska ah ay geestaan kooxaha islaamiyiinta, waxaana qarax sabtidii ka dhacay Afgaanistan ku dhintay dad ka badan 100-qof halka boqolaal kalana ku dhaawacmeen.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -