Guddoomiyaha cusub ee G/Banaadir, Wasiiro iyo xubno kale oo caawa la kulmay Taabit Cabdi Max’ed (Daawo Sawirro)

Guddoomiyaha cusub ee loo magacaabay Maamulka gobolka Banaadir Ing. C/raxmaan Yariisow ayaa caawa hoygiisa Magaalada Muqdisho ku booqday guddoomiyihii xilka laga qaaday ee gobolka Banaadir Taabit Cabdi Maxamed.

Kulankan ayaa yimid wax ka dib markii Taabit uu shaaciyey inuu aqbalay xilka ka qaadista lagu sameeyey, isagoo u hambalyeeyey gudoomiyaha cusub ee gobolka Banaadir.

Kulankan oo sidoo kale wararku sheegayaan iney ka qeyb galeen wasiiro, siyaasiyiin iyo Saraakiil ciidan ayaa waxaa la isku afgartay in la iska iloobo wixii xurguf ahaa ee ka dhashay xiisadii maalmahan ka jirtay Magaalada Muqdisho.

Labada masuul ayaa sidoo kale isla gartay in xil wareejinta ay u dhacdo si habsami leh maalmaha soo socda, iyadoo Guddoomiye Taabit loo ogolaaday inuu dib ugu laabto xarunta Maamulka gobolka Banaadir ka dib marka la qaado ciidamada halkaas la wareegay inta xil wareejintu ka dhaceyso.

Waxaa ka mid ahaa xubnaha ka qeyb galay kulankan Wasiirka amniga Maxamed Abuukar Islow Ducaale, Wasiir ku-xigeenka dekedaha, xildhibaan Mustaf Dhuxulow, afhayeenka Maamulka gobolka Banaadir iyo saraakiil ka tirsan ciidanka XDS.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -