Allbanaadir.com
NEWS

Nin isku dayey inuu gubo Macbad ay Yuhuudu leedahay oo la toogtay (Sawirro)

Booliiska ayaa toogtay nin hubeysan oo isku dayay inuu dab qabadsiiyo macbad ku yaal waqooyiga Faransiiska ee Rouen Jimcihii saaka, sida uu sheegay afhayeen u hadlay wasaaradda arrimaha gudaha Faransiiska.

Wasiirka arrimaha gudaha Faransiiska Gerald Darmanin ayaa bartiisa twitterka ku soo qoray taageeradiisa booliska.

“Subaxnimadii hore ee saaka, askarta bilayska ee Rouen ayaa si cad u dilay shakhsi hubaysan oo damacsanaa inuu dab qabadsiiyo goob macbad ah. Waxaan ugu hambalyeynayaa sida ay uga falceliyeen iyo geesinimadooda,” ayuu yiri Darmanin.

Booliska ayaa sheegay iney baaritaan ku hayaan ninka weerarka fuliyey oo illaa hadda aan la ogeyn waxaa uu yahay.

Xiisado iyo caro ka dhalatay dagaalka Israel iyo Gaza ayaa ka taagan Faransiiska. Tirada falalka naceybka ah ayaa aad ugu batay wadankaas oo ay ku nool yihiin dadka ugu badan ee Yuhuuda iyo Muslimiinta ku nool galbeedka Yurub.

Related posts

Sidee Bay Ugu Suuraggashay Imaaraadka Inuu Faraha La Galo Siyaasadda Donald Trump?

Cabdi Cade

Wasiir kala tuuray Gabar Waardiye ah oo xilka iska casilay raali galina bixiyay

Cabdi Cade

Wasiir Cawad oo nuqul ka mid ah Warqadaha aqoonsiga ka gudoomay danjire Mehmet Yilmaz (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---