Aabe si arxan daro ah u dilay labo gabdhood uu dhalay oo Maxkamad lasoo taagay

Maxkamad kutaala degaanka Shanzu, ee hoostaga magaalada Mombaasa ee dalka Kenya ayaa lasoo taagay Aabe lagu helay dambi ah in uu si arxan daro ah u dilay labo gabdhood uu dhalay.

John Maina Wang’ombe ayaa xili uu sarqaansanaa waxa uu shalay dilay labo gabdhood uu dhalay oo lix sano jir iyo afar sano jir kala ahaa , waxaana aabaha la sheegay in dilka gabdhihiisa u adeegsaday gacantiisa uu ku ceejiyay.

Warbaahinta dalka Kenya ayaa ku warantay in aabahan xiliga uu dilayay gabdhihiisa uu cabsanaa qamri, waxaana xiligaasi guriga ka maqneyd hooyada gabdhaha la dilay oo shaqo ku maqneyd.

John Maina Wang’ombe ayaa Maxkamada horteeda ka qirtay in gacantiisa ku dilay labadiisa gabdhood, waxa uuna sheegay isaga oo qoomameenaya in miirkiisu joogin xiliga uu dilayay gabdhihiisa.

Garsooraha maxkamada maanta lasoo taagay aabaha dilay caruurtiisa ayaa amartay in Xabsiga lagu sii hay maalmo dheeraad ah ninkan gacan ku dhiiglaha inta laga soo hubinayo xaaladiisa caafimaad.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

 

- Advertisement -