Baaritaan culus oo laga sameeyey xaafado ka tirsan Muqdisho & dhalinyaro la xirxiray

Ciidamada  Booliska degmada Hodan ee gobolka Banaadir ayaa xalay baaritaano ka sameeyey xaafadaha dagmadaasi qaarkood.

Booliska ayaa baarayey gaadiidka iyo dadweynaha lugeynayay, waxaana inta uu socday howlgalkaas ay ciidamadu ku soo qabteen dhalinyaro badan oo ay uga shakiyeen inay ku lug leeyihiin falalka amni daro ee ka dhacay degmadaasi.

Saraakiisha Booliska Soomaaliya ayaan faahfaahin ka bixin howlgalkii xalay laga sameeyay Hodan iyo dilalka ka dhaca Magaalada Muqdisho.

Magaalada Muqdisho ayaa maalmighii ugu dambeeyay waxaa ka dhacayay dilal qorsheysan oo loo geysto dadka rayidka ah iyo Shaqaale ka tirsan Dowlada Federaalka Soomaaliya iyo shirkadaha ganacsiga dalka qaarkood.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -