Isbedel laga dareemayo qiimaha Kalluunka ee Suuqyada Muqdisho (Daawo Sawirro)

Maalmihii ugu dambeeyey ayaa waxaa hoos u dhac aad u weyn laga dareemay suuqyada lagu kala iibsado kalluunka ee ku yaala magaalada Muqdisho gaar ahaan kawaanka malaayga degmada X/weyne oo ah kan ugu weyn ee kalluunka u qeybiya degmooynka kale ee gobolkan Banaadir.

Kalluunka oo sanadahan dambe aad uga kacsanaa qiimahiisa suuqaasi ayaa hadda maraya qiimo ka jaban kii hore, waxaana 1-kg ee kalluun ah uu hadda ka marayaa suuqa qiime u dhigma 2 dollar, halka uu horeyna ka ahaa $6-7 dollar, waxaana u dhexeeya labada qiimo farqi kor u dhaafaya illaa $4-5 Dollar.

Hoos u dhaca ku yimid qiimaha la kala siisto kalluunka ayaa lagu macneeyey kalluun ka fara badan kii hore oo Suuqa aad loo keenay ka dib markii la guda galay xiliga Kuleylaha oo kalluunku uu ka soo baxo badda gunteeda sida ay sheegayaan qaar ka mid ah kalluumeysatada.

Suuqa kalluunka ee degmada X/weyne ayaa ka mashquul badan sidii hore, waxaana lagu arkayaa dadweyne aad u fara badan oo soo buuxiyey kana kala yimid degmooyinka magaalada Muqdisho kuwaasoo iibsanaya kalluunka raqiiska ah ee halkaasi dhooban, iyagoo ka faa’iideysanaya hoos u dhaca ku yimid qiimaha kalluunka oo dhinaca kale saameyn ku yeeshay  ganacsatada kawaanleyda hilibka xoolaha ee magaalada Muqdisho ka dib markii dadkii hilibka ka iibsan jiray ay qaarkood u jabeen dhinaca kalluunka.

Qaar ka mid ah ganacsatada Suuqaasi ayaa sheegay in hoos u dhaca qiimaha kalluunka sanad walba la dareemo xiligan oo kale marka la gaaro kuleylaha, xiligaasoo ay sheegeen in kalluun fara badan badda laga soo helo.

Kalluunka ayaa sanadahan dambe si aad ah looga isticmaalaa magaalada Muqdisho, iyadoo maqaayadaha iyo hotelada magaalada ay ka ganacsadaan isagoo siyaabo kala gedisan loo bisleeyey.

Boqolaal kalluumeysato ah ayaa maalin walba u jilaabasho tagga badda si ay u soo dabtaan kalluun, iyagoo wata doonyo, lacagaha ay ka helaan kalluunka ay badda kala soo baxaana waxay ku deberaan nolosha qoysaskooda.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -