Askar ka hor timid Maamulka Axmed Madoobe oo dil & xabsi lagu xukumay (Daawo Sawirro)

Maxkamada Ciidamada Jubbaland ayaa xukuno isugu jira dil iyo xabsi ku riday 13 askari oo ka tirsanaa ciidanka Maamulkaas kuwaasoo lagu eedeeyey iney ka hor yimaadeen amaro ka soo baxay Maamulka Axmed Madoobe.

Askarta la xukumay waxaa ku jira saraakiishii hoggaamineysay, iyadoo dhowaan lagu soo qabtay iska horimaad dhawaan ka dhacay Magaalada Kismaayo.

Mid ka mid ah eedeysaneyaasha oo lagu eedeeyay dilka Nabadoon Xasan Goolo ayaa lagu xukumay dil toogasho ah, halka Saddex ka mid ah saraakiishii hogaamineysay lagu xukumay min Saddex Sano oo xabsi ah.

Sidoo kale 7 ka mid ah ciidankas ayaa waxaa lagu xukumay min 2 Sanno oo Xabsi ah, waxaa la siidaayay laba ka mid ah ciidamadan oo la sheegay in wax dambi ah lagu waayay

Garsooraha maxkamadda Ciidamada Jubbaland G/dhexe Bashiir Maxamuud Xareed ayaa sheegay in xukunka askartan loo cuskaday shareecada islaamka iyo xeerka ciqaabta Soomaaliyeed.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -