Kenya oo baareysa Sababtii keentay Shilkii Diyaaradeed uu ku geeriyooday Janaraal Francis Ogolla

Taliyihii ciidamada qalabka sida ee dowladda Kenya Janaraal Francis Ogolla iyo sagaal qof oo kale oo la saarnaa diyaar nuuca qumaatiga u kaca ayaa shalay galinkii dambe geeriyooday, kaddib markii diyaarada ku timid cillad sababtay in ay dhacdo.

Wali lama oga sababta rasmiga ah ee keentay in diyaarada uu la socdday taliyaha in ay dhacdo ayna bur burto, waxaana hadda bilowday baaritaanno ku aadan sababta keentay shilkaan diyaaradeed.

Saraakiil katirsan dowladda Kenya ayaa xaqiijiyay in ay bilowdeen baaritaano ku aadan sababta keentay shilka diyaaradeed, waxa ayna sheegeen in khubaro baaris ku sameeya loo diray halka ay diyaarada ku dhacday.

Taliyihii ciidamada qalabka sida ee dowladda Kenya Janaraal Francis Ogolla ayaa maalinta Axada ah lagu aasi doonaa gurigiisa oo kuyaalla ismaamulka Siaya,waxaana aaska taliyaha ka qeyb gali doona madax iyo saraakiil ciidan.

Janaraal Francis Ogolla ayaa xilka taliyaha ciidanka qalabka sida ee Kenya loo magacaabay bishii April ee sannadkii hore, waxa uuna taliyahan xilka hayay muddo sannand ah, waxa uuna kamid ahaa saraakiidsha ugu saameynta badnaa milatariga Kenya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -