Allbanaadir.com
NEWS

Maxkamada ciidanka Jubbaland oo soo gebagebeysay dacwada rag loo heysto kiis dil ah (Sawiro)

Maxkamadda Ciidamada Jubbaland ayaa maanta soo gabagabeeysay dhegeysiga garmaqalka gal-dacwadeed ay wadajir eedeysanayaal uga yihiin Maxamed Ibraahim Cali, Ilyaas Maxamed Xassan iyo Cabdullaahi Sheekh Cabdiwahaab Sheekh Cabdiraxmaan oo xafiiska xeer ilaalinta maxkamadda ciidanka Jubbaland uu ku soo eedeeyay in ay wadajir uga wada qeyb qaateen AUN dilkii magaalada Kismaayo loogu geystay Sheekh Cabdullaahi Dalab sanadkii 2016.

G/le Dhexe Ismaaciil Cabdi Cali Xeer Ilaaliyaha Ciidanka Jubbaland oo maanta soo gabagabeeyay soo bandhigidda eedaha loo haysto eedeysanayaasha Maxkamadda kasoo hormuuqday ayaa Maxkamadda ka codsaday in eedeysanayaasha kala ah Maxamed Ibraahim Cali iyo Ilyaas Maxamed Xassan ay ku xukunto qisaasta Marxuum Sheekh Cabdullaahi halka eedeysanaha sadexaad Cabdullaahi Sheekh Cabdiwahaab Sheekh Cabdiraxmaan oo lagu eedeeyay inuu gabaad siiyay isla markaana raggan ka caawiyay fulinta dilka Marxuumka ayuu sidoo kale Xeer ilaaliyuhu Maxkamadda ka codsaday in ay ku xukunto qodobada lagu soo eedeeyay.

Ugu dambeyn fadhiga Maxkamadda waxaa soo xiray Guddoomiye ku xigeenka Maxkamadda Ciidamada Jubbaland G/le Dhexe Bashir Maxamuud Xareed, wuxuuna sheegay in wixii hadda ka dambeeya maxkamaddu ay go’aan ka gaari doonto kiiskan, maalmaha soo socdana ku dhawaaqeyso xukunkooda.

Related posts

Jilaa naxdin ka qaaday ciyaar looga badiyey Xulka dalkiisa oo geeriyooday (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Ciidamada Dowlada oo Nolosha ku qabtay saraakiil iyo Dagaalyahano katirsan Al Shabaab

Cabdi Cade

Qaybta 1aad :-Maxay aheyd riyadii rumowday ee isagoo yar la tusay Nabi Yuusuf CS?

admin