Saciid Ciise: “Dastuurka ha lagu qoro in Somalia laga mamnuuco Saldhigyo ciidamo Shisheeye”

Dastuurka Ha Lagu Qoro In Dalka Soomaaliya Laga Mamnuuco Saldhigyo ciidamo Shisheeye

Dagaalka 3aad oo adduunka ka dhaca waa mid ay saadaalintiisu adag tahay inuu dhaco, waxaana hortaagan wadamada horay u maray oo barwaaqada ay haystaan iyo aqoonta sare ee farsamada tiknolajiyada casriga oo noloshooda wax badan aad ugu fududeysay oo aysan dooneyn iney awoodooda sare oo ay caalamka ku haystaan iney meesha ka baxdo.

Haddiise dagaalkaas uu si kedisa ku dhaco oo lama huraan ka dhigta hubka halista ah in la isku adeegsado, waxaa adduunka ka baxaysa sareynta ilbaxnimada reer Galbeedka ay caalamka ku dul fuushanayeen, waxaana dhamaan dabar go’aya horumarka cilmiga teknolajiyada, keydadka cilmiga sayniska, iyo qubarada aqoonta u leh cilmiyada kala duwan.

Waxeyna dunida ay dhacdadaas uga dhigan tahay iney u noqoneyso iney meesha ka baxdo wadarogolkii lagu wada ahaa ku dhaqangalka xeerarka caalamiga oo dhan, kuwaas oo amniga iyo kala dambeynta wadamada caalamka hagayey, waxeyna taas bedelkeeda adduunka ka hanaqaadaya iney cid walba xooggeeda u adeegsato sidii ay danaheeda ugu meel marsan lahayd.

Waxaana aan shaki lahayn iney xaqiiq noqoneyso in wixii wakhtigaas ka dambeeya in dib loogu noqonayo xiliyadii kumanaanka sano ka horeeyey xeeladihii loo dagaalamayey oo falaar iyo waran la isku adeegsanayey, taasina waxey fursad dahabiya ay siineysaa Soomaalida oo uusan dagaalka saddexaad qasaaro nafeed oo ay ku dabar go’do uusan soo gaarsiin doonin.

Waxeyna Soomaalida dagaalkaas ka badbaadey ay fursad u heli doonaan iney ka qeyb galaan dagaalka 4aad oo kan 3aad xigi doona, iyaga oo u muuqan doona awood sare iney ku hogaamin doonaan dagaalkaas oo guushiisu markaan ay ku xiran tahay geesinimada dagaalyahanka, maadaama taas bedelkeeda ay meesha ka baxday adeegsiga teknolajiyada casriga ee miletriga.

Waxeyna Soomaaliya ay dunidaas ka mid noqoneysaa iyadoo ah mid ka mida quwadaha ugu waaweyn oo dhul balaaran ay awoodeedu ka talineyso, waxeyna midaas ay soo afjareysaa qarniyaal badan oo awooda reer Galbeedku ay hortaagnayeen midnimada iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliweyn iyo weliba haysashada dhulalka Soomaalida oo ay haystaan dalalka deriska.

Haddiiba ay aragtidaas fog ay cabirideedu kula tahay saadaal quman, fadlan waxaa wadaniyiinta Soomaaliyeed looga baahan yahay iney u sheegaan madaxda maanta hogaamineysa ineysan quwadaha dagaalamaya iyo kuwa ay sida dadban u adeegsadaanba aysan marna u ogolaan hawada, badda, iyo dhulka Soomaaliya iney saldgiyo milateri ka sameystaan.

Saldhiyadaas oo ay u adeegsanayaan xaruumo ay uga duulaan wadamo kale oo ay dagaal kula jiraan, waxeyna midaas ay diginin u tahay ineysan Soomaaliya aysan lugaha la gelin duulaan dagaal oo aysan waxtar ku haysan balse ay ka dhaxleyso in dalka iyo dadka ay cawaaqibxumo kala kulmaan, sidaasna looga baahan yahay Soomaaliya ineysan waxyeeladiisa soo dhoweysan.

Waxeyna dadaaladaas ay shacabka Soomaaliyeed u horseedayaan iney ku dhiirogelinayaan ineysan sinaba u ogolaan dhulalka Soomaalida inaan shisheeyaha heshiisyo lagula gelin, heshiisyadaas oo ay dalka uga dhisanayaan saldhiyo mileteri oo ay cudud ku joogaan ciidamo shisheeye iyo ciidamo calooshooda u shaqeysteyaala oo laga qorto gudaha Soomaaliya.

Sidaas daradeed ayaa waxaa mudanaan leh in dastuurka Soomaaliya lagu qoro in dhulka, badda, iyo hawada Soomaaliya ay mamnuuc ka tahay iney ka dhismaan saldhigyo ciidamo shisheeye, waxaana xasuus mudan hadal murtiyeedkii uu reebay abwaankii Soomaaliyeed ee reer waqooyiga ahaa oo horay u yiri “marba haddii uusan dalkeygu dagaalka ku jirin aniga maxaa iga galay London baa Gubaneysa iyo Bariisbaa holceysa, anigu xasaradaas go’ayga ayaan ka qaatay”


Dr. Saciid Ciise Maxamud (Sacim)
Gudoomiyaha Xisbiga Dimoqaradiyada Dadka
Saciidciise258@aol.com

- Advertisement -