Xukuumada Somalia oo mar kale Maamul goboleedyada ka dalbatay xisaab celinta lacagihii…

Qoraal kasoo baxay Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya C/raxmaan Ducaale Beyle ayaa mar kale looga dalbaday maamul goboleedyada dalka in ay inay soo dhameystiraan xisaab celinta lacagihii taageerada ee horay loogu diray.

Wasiirka Maaliyada qoraalka uu soo saaray ayaa lagu sheegay in si xushmad leh uga codsatay labo jeer loo diray Wasaaradaha Maaliyadda dowlad goboleedyada inay dalabkooda soo gudbiyaan oo ku saabsan isticmaalka lacagihii horay loogu diray.

Qoraalka ayaa sidoo kale lagu sheegay in dowlada Federaalka Soomaaliya ay diyaar u tahay maamul goboleedyada soo dhameestira xisaab celinta iyo dalabkooda in si deg deg ah loogu fasixi doono qeybta kaga soo aada lacagaha taageerada .

Halkan ka Akhriso Qoraalka Wasiirka

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -