Gudoomiye Madaale oo amar ku soo rogay gaadiidka xamuulka ka dib shilkii shalay

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa ka tacsiyeeyay shilkii ka dhacay Isgoyska Jubba ee magaalada Muqdisho.

Shilkan ayaa yimid ka dib markii gaari xamuul ah oo waday Kontainer uu ku rogmaday gaari caasi ah oo ay la socdeen dad shacab ah.

Gaariga xamuul ah ayaa ka yimid dekeda Muqdisho, isagoo ku sii jeeday dhinaca Suuq bacaad, waxaana la sheegay inuu ku socday xawaare sare.

Madaale ayaa sheegay in shilkaas ay ku naf waayeen labo ruux halka labo kalena ay ku dhaawacmeen kuwaasoo dhamaantood saarnaa gaariga caasiga ah.

Duqa Muqdisho ayaa si looga hortago shilalka noocan ah waxaa uu amar ku soo rogay Gawaarida waaweyn ee xamuulka ka qaada dekedda Muqdisho, isagoo xusay in wixii hadda dambeeya aan loo ogolaan doonin iney maalintii dhexmaraan magaalada.

“Maadaama maalintii jaam fara badan uu ka jiro jidadka caasimada, wadooyinkana ay yihiin kuwo yar yar maamulka gobolka Banaadir wuxuu soo saaray in amar sheegaya in gaadiidka xamuulka ka soo qaada dekeda Muqdisho ay socon karaan oo kaliya wixii ka dambeeya 10:00 fiidnimo illaa waaberiga, wuxuuna xusay in gaarigii la arko isagoo xiligaas waqti ka baxsan socda laga qaadi doono talaabo sharciga waafaqsan.

HOOS KA DAAWO HADALKA MADAALE

- Advertisement -