Soomaalida gobolka Maine (USA) oo taageeray Mowqifka DF ee damaca Itoobiya (Sawirro)

Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool gobolka Maine ee Mareykanka ayaa shalay oo ay taariikhdu ahayd 01/19/2024 kulan ay qaateen waxey ku qabteen shirka jaraa’id oo ay ka soo saareen baaq ku saabsan walaaca ay ummadda Soomaaliyeed ka qabto arrimahan soo socda:

Xadgudubka Dowladda Itoobiya

Waxaan cod dheer ku cadeyneynaa inaan si xoog leh uga soo horjeedno ku xadgudubka ay dowladda Itoobiya ku sameysay madaxbanaanida iyo wadajirka dhuleed ee Jamhuriyadda Soomaaliya.

Waxaan ka soo horjeednaa tilaabo kasta oo ay dowladda Itoobiya ku boobeyso baddaha, beriga, iyo hawada Soomaaliyeed oo ah lama taabtaan aysan cidna awood u lahayn iney u hibeeyaan dowlad dal kale.

Waxaan diidanahay hanjabaada ay dowladda Itobiya ku hayso shacabka Soomaaliyeed iyo qorshaheeda guracan ee ku aadan barakicinta Soomaalida iyo deegaaneynta dadka Itobiya lagu dejinayo dhulalka Soomaaliyeed.

Waxaan u sheegeynaa dowladda Itobiya iney joojiso handadaada iyo faragelinta ay ku hayso arrimaha gudaha ee maamul goboleedyada Soomaaliya.

Waxaan u soo jeedineynaa dowladda Itobiya iney ilaaliso derisnimo wanaagga iyo nabad ku wada noolaashaha labada shacab oo ay masaaliix badan isaga xiran yihiin, sidaasna dowladda Itobiya looga dalbanayo iney ilaaliso xasiloonida gobolka Geeska Afrika.

Taageerida Mowqifka Dowladda Soomaaliya

Waxaan si xooggan u ayideynaa mowqifka ay dowladda Soomaaliya ka qaadatay duulaanka qaawan ee dowladda Itobiya ay ugu soo xadgudubtey madaxbanaanida iyo wadajirka dhuleed ee Jamhuriyadda Soomaaliya.

Waxaan taageersan nahay awood kasta oo ay heli karto dowladda Soomaaliyeed iney u adeegsato sidii ay ugu difaacan lahayd dalkeeda, dadkeeda, iyo diinteeda, iyadoo la kaashaneysa saaxiibadeeda caalamka.

Waxaan dowladda Soomaaliyeed ugu baaqeynaa iney xooggeeda saarto sidii ay uga shaqeyn lahayd in ummadda Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogto ay u gelin lahayd dareenka dhul boobka dowladda Itobiya, taasna ay ugu adeegsan lahayd mideyntaooda.

Waxaan si fooljignaan leh ugu soo jeedineynaa dowladda Soomaaliya iney si taxadar leh uga fiirsato iskaashiga ciidan oo ay la geleyso saaxiibadeeda dibeda, kana digtoonaato halista ka imaan karta saldhiyo mileteri oo ay siiso dowladaha shisheeyaha.

Waxaan ku mideysan nahay in ciidamada Itobiya ee nabad ilaalinta u jooga Soomaaliya in sida ugu dhaqsiyaha badan dalka looga saaro, lana joojiyo heshiisyadii horay loola galay dhanka mileteriga.

Waxaan talo walaaltinimo u soo jeedineynaa maamulka Somaliland inuu ka fiirsado cawaaqib xumadda ka imaan karta dhaxal wareejinta hantida dhuleed ee ummadda Soomaaliyeed.

Waxaan shacabka walaalaheena Somaliland aan ku dhiiro gelineynaa ineysan ka aamusin halista ay wadato dhaxal wareejinta dhuleed ee aayaha mustaqbalka ubadka Soomaaliyeed.

Waxaan adkeyneynaa in la sii wado wada hadalada Somaliland iyo Soomaaliya oo wada xaajoodka lagu saleeyo masiirka dhabta ee maslaxadda ummadda Soomaaliyeed.

Codsiga Jaaliyadda ee Madaxweynaha iyo Dowladda Mareykanka

Annagoo ah muwaadiniinta mareykanka waxaan ka codsaneynaa madaxweynaha iyo dowladda Mareykanka iney dowladda Itobiya cadaadis ku saaraan sidii ay u joojin lahayd faragelinta iyo hanjabaada ay ku hayso dowladda Soomaaliyeed iyo maamul goboleedyadeeda.

Waxaan ka dalbaneyna madaxweynaha iyo dowladda Mareykanka iney Soomaaliya gacan ka siiyaan sidii ay Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobey ay dacwad uga gudbin lahayd dowladda Itobiya oo si cad ugu soo xadgubtey madaxbanaanideeda.

Waxaan madaxweynaha iyo dowladda Mareykanka aan u soo jeedineynaa iney cunaqabateyn saaraan dowladda Itobiya oo jebisey xeerarka caalamka, haddana colaad halisa ka dhalisay gobolka geeska afrika iyo gacanka Cadmeed.

Waxaan madaxweynaha iyo dowladda Mareykanka aan u cadeyneynaa in dhamaan muwaadininta Mareykanka ee asalkoodu ka soo jeedo Soomaaliya iney dhamaantood ku mideysan yihiin garab istaagida mowqifka dowladda Soomaaliya.

Waxaan si niyad samiya ugu mahadcelineynaa maamulka dowladda Mareykanka oo shacabka Soomaaliya u xaqiijisay mowqifkeeda cad oo ay ku taageertay dhowrista midnimada dhuleed iyo madaxbanaanida Jamhuriyadda Soomaaliya.

Dhiirogelinta Mideynta Shacabka Soomaaliyeed

Waxaan u hambalyeyneynaa shacabka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogan sida ay u muujiyeen dareenkooda xambaarsan diidmada xooggan oo ay kala horyimaadeen damaca guracan ee dowladda Itobiya ay ku boobeyso badaha Soomaaliya.

Waxaan u soo jeedineynaa shacabka Soomaaliyeed ee dibedda iyo gudaha dalka ku nool iney u diyaar garoobaan difaaca dalkooda oo maal, maskax, iyo nafba ay u huraan la dagaalanka cadawgooda gudaha iyo kuwooda dibedda.

Waxaan u soo jeedineynaa jaaliyadaha ku nool dibedda in dareenka walaaca dowladda Soomaaliya ay gaarsiiyaan madaxda wadamada ay dalalkooda ka yihinn wadaniyiinta oo haddana ay sameeyaan mudaharaadyo waaweyn oo ay ka hordhigaan safaaradaha Itobiya ay ku leedahay wadamada ay caalamka ka degen yihiin.

Waxaan u soo jeedineynaa waxgaradka dhaqanka iyo culimada diinta iney ummadda Soomaaliyeed ku mideeyaan qadiyada dhul iyo bad boobka Itobiya, kuna baraarujiyaan barakicinta iyo isku dirka ay Soomaalida hubka isugu dhiibeyso.

Waxaan soo dhoweyneynaa wadatashiga u dhexeeya madaxda dowladda Soomaaliya iyo maamul goboleedyadeeda oo aragti mideysan ka wada qaata wadamada halista ku ah jiritaanka madaxbanaanida iyo midnimada dhuleed ee jamhuriyada Soomaaliya.

Waxaan u soo jeedineynaa aqoonyahanka Soomaaliyeed iney aqoontooda ku difaacaan dalkooda oo aysan qeyb ka noqon kala qeybinta Soomaalida iyo tabashooyinka ay kala qabaan.

Gunaanadka Baaqa Shirka Jaraa’id

Ugu dambeyntii waxaana si buuxda u raacsan nahay rabitaanka shacabka Soomaaliyeed oo ay ku diideen heshiiska isafgaradka ay wada galeen dowladda Itobiya iyo maamulka Somaliland, waxaana sidoo kale aan ayideynaa halkudhegyada hoos ku xusan:

 Midnimada Dhulka Soomaaliyeed Gorgortan Lagama Geli Karo

 Madaxbanaanida Jamhuriyadda Soomaaliya Gorgortan Ma gasho

 Biyaha Soomaaliyeed Beec Ma Ahan

 Soomaaliya Cadowgeeda Cidna Saaxiib La Ma Noqon Karto

 Ma Jiro Maamul Goboleed Geli Karo Heshiis Ka Baxsan Xuduudaha Jamhuriyadda

 Dalka Difaaciisu Waa Adeegsiga Dagaalka Warbaahineed, Diblomasiyadeed, Sirdoon, iyo Ciidan

 Wakhtiga Adag Ayaa Soomaaliya U Kala Saareysa Saaxiibkeeda iyo Cadowgeeda

 Saldhigyo La Siiyo Ciidamo Shisheeye Ma Ahan Maslaxadda Ummadda Soomaaliyeed

 Talada Soomaaliya Waxey Ka Go’daa Rabitaanka Shacabka Soomaaliyeed

 Joogitaanka Ciidamada Shisheeye Waxey Carqalad Ku Tahay Madaxbanaanida Amniga.

Mahadsanidin.
Waxaa Baaqan Soo Jeediyey:
Dr. Saciid Ciise Maxamuud

- Advertisement -