Netanyahu oo jawaab caro leh ka bixiyey hadal ka soo yeeray dhigiisa Canada

Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa baraha bulshada ku canaantay dhiggiisa Canada Justin Trudeau ka dib markii uu ku booriyay Israa’iil inay muujiso “xakamaynta khasaaraha rayidka ee howlgallada militari ee Gaza.

Trudeau wuxuu sheegay in dunidu ay markhaati ka tahay dhacdooyin naxdin leh, oo ay ku jiraan dilka haweenka, iyo carruurta” “Tani waa inay joogsato,” Trudeau ayaa ku daray.

“Masiibada bani’aadamka ee ka socota Gaza waa mid qalbi jab leh, gaar ahaan dhibaatada aan ku aragno gudaha iyo agagaarka Isbitaalka Al-Shifa. Waxaan caddeeyey in qiimaha caddaaladdu aanu noqon karin dhibaatada sii socota ee dhammaan rayidka Falastiiniyiinta,” ayuu yiri Trudeau.

“Xitaa dagaalladu waxay leeyihiin sharciyo, dhammaan nolosha aan waxba galabsan waxay u siman yihiin qiimaha, Israa’iil iyo Falastiin. Waxaan ku boorrinayaa dawladda Israa’iil inay is-xakamayso,” ayuu raaciyay.

Netanyahu ayaa ka carooday hadalka Trudeau, isagoo sheegay in Xamaas ay ku eedaysa tahay dhacdooyinka naxdinta leh ee Trudeau uu sheegay, ee aysan aheyn Israel.

“Ma ahan Israa’iil tan si ula kac ah u beegsaneyso dadka rayidka ah ee waa kooxda Xamaas oo qoorta ka jartay, gubtay oo xasuuqday dadka rayidka ah waxay geysatay xasuuqii ugu xumaa ee Yuhuudda loo geysto tan iyo intii uu dhacay xasuuqii weynaa ee Holocaust,” ayuu yiri Netanyahu.

Hogaamiyaha Israa’iil oo hadalkiisa sii wata ayaa yidhi, “Iyadoo ay Israa’iil samaynayso wax kasta oo ay ku ilaalinayso dadka rayidka ah, haddana Xamaas waxa ay samaynaysaa wax kasta oo ay ku xoojineyso dhibaatada. Xamaas miyaanay ahayn in lagula xisaabtamo dembiyo dagaal oo laba jibaaran”.

Hadalkiisa, ayuu Trudeau ku qiray in Xamaas ay Falastiiniyiinta u adeegsaneyso gaashaan bani’aadannimo, wuxuuna ku celceliyay baaqiisa ah in si degdeg ah oo shuruud la’aan ah loo sii daayo dhammaan dadka la haysto.

Trudeau ayaa ka qayb gali doona shir-madaxeedka sanadlaha ah ee kooxda iskaashiga dhaqaalaha ee Asia Pacific ama APEC oo ka bilaabmaya Arbacada California halkaas oo isaga, madaxweynaha Maraykanka Joe Biden iyo hoggaamiyeyaasha kale ee adduunka lagu wado in ay ka wada hadlaan colaadda Bariga Dhexe.

- Advertisement -