Karaash oo hal arrin kala dardaarmay ciidamo uu tababar u soo xiray (Sawirro)

Ku-simaha Madaxweynaha Dowladda Puntland Ahna Madaxweyne Ku-xigeenka dowladda Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, oo safar shaqo ku jooga Gobolka Mudug, ayaa tababar u soo xiray  in ka badan 300 oo askari oo ka tirsan laamaha kala duwan ee Ciidanka Booliska Puntland kuwaasoo dhameystay tababar 3 Bilood iyo 15 Cisho uga socday xerada tababarka Ciidanka ee Godad.

Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland, ayaa boggaadiyey Ciidanka tababarka dhameystay wuxuuna u rajeeyay in aqoonta ay barteen ugu faa’ideeyaan dalkooda iyo dadkooda, iyagoo qeyb ka noqon doona qorsheyaasha amniga lagu horumarinayo.

“Puntland waxay muhiimad gaar ah siisay dib-u-habeynta , tayeynta iyo dhismaha Ciidanka oo bar-bilow u ah guulaha laga gaaray xagga Amniga, Difaaca Puntland iyo Dowlad wanaageeda” ayuu yiri karaash

Waxaa Madaxweyne Ku-xigeenka kala qeybgalay munaasabadda, Goleyaasha Dowladda Puntland, Taliska Booliska Puntland,  Saraakiisha xerada tababarka ee Godad, Maamulka Gobolka Mudug , Kan Degmada Gaalkacyo iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada deegaanka Godad ee Degmada Gaalkacyo.

- Advertisement -