Mid ka mid ah dalalka ciidamadu ka joogaan Somalia oo halis ugu jira cudurka Ebola

Ha’yadda arrimaha gargaarka ee Save the Children ayaa sheegtay inay ka walaacsan tahay kiisaska cudurka Ebola ee laga soo sheegay xadka dalka Uganda.

Labo qof ayuu soo ritay cudurka Ebola oo ku nool xadka u dhexeeya Uganda iyo Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ee Congo, iyadoo laga cabsi qabo in cudurkan uu u talaabo Ugandha.

Degaanka lagu arkay cudurkan ayaa wax ka yar 200km u jira xadka Ugandha iyo dalka Jamhuuriyadda Dimuraadiga ee Congo oo faro ba’an uu ku hayo cudurka Ebola.

Ha’yaddu waxay sheegtay in xarumo caafimaad ay ka hirgelinayso Uganda iyo goobo tababar lagu siiyo shaqaalaha Caafimaadka.

Hay’adda caafimaadka adduunka ee WHO waxay sheegtay in Uganda ay wajahayso halista Ebola.

Ugandha ayey ciidamo nabad ilaalineed oo kumanaan gaaraya ka joogaan dalal ay ku jirto Somalia, waxaa adkaan doonta in ciidankaas laa bedelo hadii cudurkan uu dalkaas u talaabo.

Dowlada galbeedka Afrika ku taalla ee Siere leone ayaa sanado ka hor ka baxday boqolaal askari oo ka joogay Somalia ka dib markii dalkooda uu ka dilaacay cudurka Ebola, lana waayey ciida bedela kuwa ka tirsanaa howlgalka AMISOM.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -