Meydka Wiil 6-sano jir ah oo Qoykiisa ka maqnaa oo Muqdisho lagu arkay

Magaalada Muqdisho waxaa kusoo badanaya dhacdooyin aad looga argagaxo, waxaana saacadaihii lasoo dhaafay magaalada ka dhacay dilal nuucyo cusub kuna saleesan arimo kala duwan.

Xaafada Juungal ee Degmada Yaqshiid waxaa lagu arkay meydka wiil 6-sano jir ahaa oo qoyskiisa ka maqnaa shalay oo dhan , waxaana meydka wiilkna yar laga dhex helay gaari ay la socdeen wiilal dhalinyaro ah.

Meydka Sufyaan Cusmaan Barre ayaa la geeyay xarunta Dambi baarista booliiska ee CID-da, waxa sidoo kale xaruntaasi la geeyay dhalinaradii la socotay gaariga laga dhax helay meydka wiilka yar.

Laamaha amaanka ayaan wali ka hadlin dilka wiilkan iyo waxyaabaha sababay, waxaana saraakiisha booliiska sheegeen in ay wadaan baaritaano ku aadan dilka wiilkan iyo waxa keenay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -