Qaramada Midoobay oo ka digtay halis ku soo wajahan dalal ay ku jirto Somalia

Qaramada Midoobay ayaa ka digaysa in malaayiin qof oo ku nool Geeska Afrika, ay la daalaa dhacayaan gaajo iyo dhibaatooyin caafimaad, oo ay sababeen abaaraha, isbedelka cimilada iyo colaadaha ka jira gobolkaas.

Hay’adda Cuntada Adduunka ee WFP ayaa ku sheegtay warbixin ay soo saartay, in illaa todoba dal oo ku yaalla Bariga Afrika oo ay ka mid yihiin, Djibouti, Ethiopia, Soomaaliya, South Sudan, Sudan iyo Uganda, ay haatan soo foodsaartay xaalad daran oo cunto yaraan ah, taas oo aan hore loo arag.

WFP ayaa sheegtay in ku dhowaad 60 milyan oo qof oo ku nool gobolkaasi aysan haysanin cunto ku filan, waxaana taasi ay ku khasabtay qoysas badani inay iska iibiyaan xoolihii ay dhaqan jireen, iyagoo qabatimay dhaqamo aan haboonayn, si ay u helaan cunto.

Qiimeynta ay Qaramada Midoobay u isticmaasho heerka sugnaanta cuntada, heerka afraad ayaa lagu cabiraa, marka ay bulshada soo foodsaarto cunto yari aad u daran, isla markaana ay halis ugu jiraaan inay u dhintaan gaajo, halka heerka shanaadna lagu cabbiro marka ay dadku macaluulsan yihiin.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -