Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug oo ka hor yimid qodobadii ka soo baxay shirka Kismaayo

Madaxweyne ku-xigeenka dowlad goboleedka Galmudug Maxamed Xaashi Cabdi (Carabey) oo shir jaraaid ku qabtay Magaalada Caabudwaaq ee Gobolka Galgaduud ayaa ka soo horjeestay qodobadii ka soo baxay shirka golaha Iskaashiga dowlad goboleedyada Magaalada Kismaayo lagu soo gabegabeeyay.

Carabey ayaa wax aan la aqbali karin ku tilmaamay qodobadii shirkaas ka soo baxay oo ay kamid ahaayeen in dowlad goboleedyada dalka ay hakiyeen wadashaqeyntii kala dhaxeysay dowladda dhexe Soomaaliya.

“Qodobada ka soo baxay shirka Kismaayo waa kuwo taabanaya masiirka ummada oo aysan go’aan ka gaari Karin shaqsiyaad kooban oo qol isku soo xirtay” ayuu yiri Carabey.

Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug ayaa sheegay in maamulka Galmudug uusan xiriirka u jari doonin dowladda dhexe, isagoo madaxdii ku shirtay Magaalada Kismaayo ku tilmaamay kuwo bulshada horteeda ku fashilmay.

“Galmudug maaha shaqsi ee waa maamul degaan oo leh gole fulin iyo baarlaman” ayuu yiri Carabey oo waxyaabaha ka soo baxay shirka kismaayo ku tilmaamay kuwo nasiib daro oo lagu duminayo qaranimada Somalia.

Carabey ayaa dhinacda kale sheegay in khilaafka u dhexeya madaxda ugu sareeysa maamulka Galmudug loo baahan yahay in xalintooda loo daayo madaxda Galmudug, isagoo maamul goboleedyada kale ugu baaqay inay xiliyaan khilaafka ka jira gobolada ay maamulaan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -