Kenya oo ciidamo soo dhoobtay xadka ay la wadaagto Somalia (Sababta)

Saraakiil iyo ciidamo dheeraad ah ayaa  la soo dhoobay xadka Kenya ay la wadaagto Soomaaliya si ay ug hortagaan Ganacsiga sharci darrada ah .

Kenya ayaa xoojisay dadaalada lagu xakameynayo Ganacsiga sharci darrada ah ee ka socda xeebaha dalkeeda ka dib markii dib loo furay soohdinta ay la wadaagto Soomaaliya .

Todobaadkii hore ayey aheyd markii Kenya ay ogolaatay in dib loo Furo xarumihii Xuduudaha Ismaamulada Mandhera, Lamu, iyo Garisa 90 maalmood gudahood.

Laanta canshuuraaha Kenya ayaa shaqaalaheeda Kastamka iyo xakameynta Xuduudaha u dirtay Lamu, waxay kala shaqeyneysaa Ilaalada Xeebaha Kenya si ay u ilaaliyaan qayb ka mid aah Badweynta Hindiya oo laga soo talaabiyo maandooriyaha.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -